You are currently viewing Maxay tahay sababta uu qofku si degdeg ah u la soo baxo tilifoonka, marka uu qolka fadhiga cid ku sugayo?

Maxay tahay sababta uu qofku si degdeg ah u la soo baxo tilifoonka, marka uu qolka fadhiga cid ku sugayo?

  • Post author:
  • Post last modified:January 28, 2024

Maxay tahay sababta uu qofku si degdeg ah u la soo baxo tilifoonka, marka uu qolka fadhiga cid ku sugayo?


Ama marka uu rabo in uu dhakhtarka u galo, walise ciddii ka horraysay ku jirto? Ama marka uu kaligii meel joogo?.

Su’aalahan oo uu is waydiiyay nin la yidhaa Stephen Groush oo ah Pschoanalist ayaa arrintan ku sameeyay cilmi-baadhis, jawaabta usoo baxdayna waxa ay noqotay, in dadku yihiin baxsad ka cararaya dareen aanay rabin.

Daqiiqad aanad waxba qabanayn, oo maskaxdaadu aanay ku jeedin hawl aad faraha ku hayso, ayaad boqolaal wax ka fikiraysaa.

Judhaba waxa aad ka murugoonaysaa khaladaad aad hore gashay, qof aad xumaysay ayaad xasuusan kana xumaan, duruufo dhaqaale iyo lacago lagaa rabay ayaad rogrogi, qof aad jeclayd oo aad wayday ayaad tebi, hadalo aad cid istidhaahdeen ayaad dib u gocan, fursado waa hore aad lumisay ayaad isku canaanan.

Daqiiqado aanay maskaxdaadu hayn shaqo aad u dirtay oo ay maarayso, ayaa boqol wax oo ka daran intaa hore ay kugu soo dhici, oo waxa ay ku gelin dhiilo, ciil, cabsi, cadho, walaac, warwar, walba haar, murugo, qarracan, qoomamo, qoonsi, yabaal, yaxyax iwm.

Daqiiqadaha aanad waxba qabanayn waxa kugu soo qulqulaya dhacdooyin iyo xaalado muddo dheer aad is dhaafinaysay xusuustooda.

Wax qabasho la’aantu waa dabinka xusuuso aanad doonayn.

In aanad firaaqo siin, oo aad shaqayso, oo marka aanay shaqo jirin xitaa aad abuurato wax aad qabato ayaa ah fursadda aad kaga baxsan karto dareenadaas.

wax qabo marwalba si aadan niyadxumo kuugu dhicin, lkn waxaad qabanaysaa ha noqdo wax isna aadan qoomamayn oo xusuustiisa aadan ka dhuumaalaysan.

WQ : sidiiq burmad

Leave a Reply